Markab

wel come somalidutch media

Jabuuti: Guddiyadda Dowladda iyo Isbaheysiga oo shirka Jabuuti ku gaaray heshiis awood qeybsi, lana dhiso Dowlad Midnimo Qaran

   Waxaa xalay lagu guuleystay in la soo gabagabeeyo qodobo ay isku heysteen guddiyada Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Mucaaradka Asmara shirka ugu socday dalka Jabuuti, iyadoo ugu danbeyntii labada dhinacna ay isla garteen oo ay ku heshiiyeen in la dhiso dowlad midnimo qaran ah oo ka kooban dhamaan dhinacyada Soomaalida.

Heshiiska labada dhinac ay wada gaareen ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo tirada xubnaha Baarlamaanka laguna daro 275 xubnood kale oo ka kala imaanaya, 200 xubnood oo Isbaheysiga ah iyo 75 ka imaanaya qeybaha bulshada rayidka ah.

Heshiiskan oo ay ka soo shaqeeyeen beesha caalamka ayaa la filayey in xalay lagu saxiixo goobta uu heshiiska ka dhacay, hase ahaatee waxaa la filayaa in maanta si wada jir ah Dowladda KMG iyo Mucaaradka ay u wada saxiixdaan, iyadoo saxiixa heshiiskan ay ka soo qeybgeli doonaan beesha caalamka iyo dalalka kale ee Afrika.

Barlamnakaasi cusub ee ka kooban 550 xubnood ayaa yeelan doono Madaxweyne kaasi oo soo magacaabi doona Raiisul Wasaare,, iyadoo Dowladda midnimada qaran ee la dhisi doono ay shaqeyn doonto mudo Labo sano ah sida uu dhigayo heshiiska labada dhinac.

Sidoo kale qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah in Dastuurka iminka jira lagu badali doono mid kale oo guddiyo labada dhinac ka wada socda ay soo diyaarin doonan.Waxaana la filayaa in maanta lagu qabto magaalada DJabuuti saxiixa xaflada heshiiska lagu gaaray.

somalidutch

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *