Welcom to truesomali website


Dagaalo ka dhacay Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho

Iska hor imaad habeenkii xalay ka qarxay agagaarka suuqa xoolaha ee Dayniile ayaa waxaa ku dhimatay
saddex ruux iyadoo ay ku dhaawacantay shan qofood, maleeshiyooyinka dagaalku halkaasi ku dhexmartay ayaa
waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa cul culus iyadoo dhawaaqa hubkaasi laga maqlayay inta badan
magaalada Muqdisho.Iska hor imaadkan ayaan cadayn sababta dhabta ah ee ka danbeysa iyo
maleeshiyooyinka isaga hor yimid iyadoo goobta uu dagaalku ka dhacay ay tahay goob ay ku suganyihiin
ciidamo ka amar qaata Maxamed Qanyare Afrax kaas oo kamid ah hogaamiye kooxeedyadii horay heshiiska
ula galay dawladda Kmg ah, inkastoo uu hadda ka biyo diiday kadib markii uu ku eedeeyay in ay fulin
waysay dhamaan waxyaabihii ay kuwada heshiiyeen, halka warar kale ay ka sheegayaan in ay dagaalkaasi
u dhaxeysay ciidamo u daacad ah Xaashi Dhabaray iyo kuwo u daacad ah Qanyare ay yihiin waxa isaga
horyimid goobtaasi iyadoo ay horay ugu dagaalameen guriga Xaashi Dhabaray oo ku yaala xaafadda
Buula Xuubey ee dagmada Madiina, oo ka tirsan isla magaalada Muqdisho dagaalkaas ayaa horay u dhacay
muddo hadda laga joogo qiyaastii saddex bilood, kaas oo ay ku dhinteen illaa lix qofood iyadoo ay ku
dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, halka kuwa kalena ay sheegayaan in dagaalkaasi uu ka bilawday is
qab qabsi dhul, sikastaba ha ahaatee illaa iyo hadda majiraan warar madax banaan oo halkaasi ka soo
baxay inkastoo la xaqiijiyay in maleeshiyooyinka ku dagaalamay goobtaasi ay yihiin isku beel wax
kastaba haku dagaalameene.

.  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *